Nuxurka Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagaga wada hadlay, diiraddana lagu saarayay arrimo door ah oo mudnaan u leh Qaranka JSL.

* Ugu horrayn Goluhu waxa uu war bixin faah-faahsan ka dhegaystay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, oo ah xubin ka mid ah Guddi-Hawleedkii uu Madaxweynuhu dhawaan u xil saaray ka soo talo bixinta arrinta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu waxa uu Golaha siiyey talo soo jeedinta Guddida si loo maareeyo arrinta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah.

* Sidoo kale, Golahu waxa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ah xubin ka mid ah Guddi-Hawleedkii uu Madaxweynuhu dhawaan u xil saaray ka soo talo bixinta iyo fulinta cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST).

* Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Golaha warbixin waafi ah ka siisay go’aamadii iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shir-weyne ahaa Madal-sare (HLDCF) oo aad loo agaasimay oo kulmisay Dawladda Somaliland, Deeq-bixiyayaasha iyo Daneeyayaasha Horumarka ee Caalamiga ah. Kulankan oo ahmiyad gaar ah u lahaa JSL ayaa lagu soo bandhigay arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Somaliland, taas oo ay si fiican u soo dhaweeyeen Daneeyayaasha Horumarka ee Caalamiga ah ee ku sugnaa Madashan Heer Qaran.

* Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL ayaa isaguna Golaha uga xog warramay hab-sami u socodka hawlaha Wasaaradda iyo in loo baahan yahay in Xukuumad ahaan talo midaysan laga yeesho dib-u-habaynta Wakaaladaha Biyaha dalka ee ay Wasaaraddu gacanta ku hayso, xag maamul, xag wax soo saar iyo xagga tayada shaqadoodaba.

* Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka ayaa isaguna Golaha war bixin dheer ka siiyey sidii Qaran ahaan loo ilaalin lahaa Tayada Dhismayaasha Dawladda, kormeerka iyo daba-galka mashaariicda dhismaha ee ay leedahay Dawladda Somaliland. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka war bixiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee ay Xukuumadu ugu gurmanaysay dadkii ay waxyeelladu ka soo gaadhay dabkii qabsaday suuqa Idaacadda.

* Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagey xogihii ugu dambeeyey ee xagga horumarinta maalgashiga dalka waxana uu sheegay in hoggaaminta iyo isku-dubbaridka arrimaha maalgashigu ay tahay masuuliyad ay leedahay Wasaaradiisu, sidaa darteedna loo baahan yahay in ay Wasaaradaha kale ay ka gacan siiyaan si dhawna ula shaqeeyaan si loo kobciyo rdhaqaalaha iyo maal-gashiga dalkeena.

* Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa Golaha Wasiirrada warbixin qoto-dheer ka siiyey go’aamadii iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirweynihii Heer Qaran Waxbarashada Dhinaca Gacanta iyo Xirfadaha Shaqada oo ka socday Hotel Ambassador 26-27/02/2025. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u qaybiyey nuqullo ah Siyaasadda Waxbarashada Qaranka (Af-Somali) si Wasiirradu ay u soo akhriyaan, dabadeedna loo ansixiyo.

* Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada faray in ay diyaariyaan, iskuna dubbaridaan arrimaha muhiimka ah, hor-tabintana leh ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD yoolka u ah 100-ka maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker