Xamaas oo war cusub ka soo saartay sii deynta maxaabiista

Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay heshiis xal loogu raadinayo mushkiladda dib u dhigista maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii dayn lahaa kooxdii ugu dambeysay.

Xamaas ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo saartay oo ku aaddan sii deynta maxaabiista, iyadoo ay dib u celiyeen meydadka la haystayaal Israa’iili ah oo lagu heshiiyey in lagu wareejiyo wejigii hore, waxaana weheliyay haween iyo carruur Falastiiniyiin ah.

Israa’iil kama aysan hadlin hadalka Xamaas.

Dhinaca kale, ergeyga Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa dib u dhigay booqashadiisa Bariga Dhexe dhowr maalmood, sababo la xiriira “Dadaallada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka, Ruushka iyo Ukraine,” ayaa lagu yiri war ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Israa’iil waxa ay wafdiyo u diri doontaa Masar ama Qatar, haddii ay arrintu hagaagto, waxaa laga yaabaa in aan aado maalinta Axadda ah si aan heshiiska u soo gebagebeeyo, oo wejiga labaad loo sii daayo, loona hubiyo in dad badan oo la haystayaal ah la sii daayo.” Ayuu yiri Witkov.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker