Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo soo saartay Wareegto Wasiir oo ku saabsan Dabagalka iyo Qiimeynta
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa soo saartay wareegto Wasiir oo lagu xoojinayo habraacyada Dabagalka iyo Qiimeynta (Monitoring and Evaluation).
Xeerkan ayaa lagu salaynayaa dadaallada lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo waxtarka barnaamijyada horumarineed ee dalka.
Xeerkan cusub wuxuu xoojinayaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda, hay’adaha dowliga ah,kuwa caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarineed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo waxtarka mashaariicda horumarineed.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa horey u qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamyada maamul iyo horumarineed, waxaana xeerkan cusub uu qayb ka yahay dadaalladaas lagu wanaajinayo qorshaynta iyo qiimeynta mashaariicda dalka.

