Trump iyo Macron oo ku kulmay Washington
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay, inuu ku dhow yahay inuu heshiis la galo Ukraine iyo Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib markii uu shalay kulan ballaaran kula qaatay Aqalka Cad, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Trump wuxuu ku booriyay Yurub inay kaalin weyn ka qaataan maalgelinta, laakin Paris ayaa riixeysa helitaanka dammaanad dheeri ah oo ka timaada Moscow.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhankiisa riixay rabitaankiisa ah in la gaaro heshiis lagu soo dhameeyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo Isniintii shalay ay u buuxsantay sannadkii saddexaad.
Wuxuu sheegay in tani ay qeyb ka noqon doonto heshiis uu Mareykanka la galo Ukraine, kaas oo ku saabsan macdanta muhiimka ah, kaasi oo la filayo in uu todobaadka soo socdo saxiixo madaxweynaha Ukraine.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna Isniintii ka digay in nabaddu aysan macnaheedu ahayn “is dhiibidda Ukraine, laakiin wuxuu sheegay in wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay muujiyeen horumar, inkasta oo laga cabsi qabo khilaaf ka dhex dhaca dalalka ku xeeran Badda Atalaantiga.
Wada hadallada labada hogaamiye ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku baaqay nabad , xilli uu madaxda Yurub kula kulmay Kyiv.