Suuli dahab ka sameysan oo malaayiin doollar lagu qiimeeyay oo shan daqiiqo gudahood lagu xaday

Tuugo ayaa fadhiga suuli oo ka sameysnaa dahab lagu qiimeeyay £4.8m ka xaday Qasriga Blenheim kadib weerar keliya socday shan daqiiqo oo ay halkaasi ku qaadeen, sida laga sheegay maxkamad dacwadda lagu dhegeysanayay.

Suuliga ayaa ahaa mid la isticmaalayay wuxuuna qeyb ka ahaa bandhig lagu qabtay Oxfordshire, dalka Ingiriiska, bishii September 2019.

Michael Jones, oo 39 jir ah, oo deggan Divinity Road, Oxford ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Fred Doe, ooh ore loo yaqaannay Frederick Sines, 36 jir ah, kana soo jeeda Windsor, iyo 41-jirka Bora Guccuk, oo galbeedka London kasoo jeeda, ayaa beeniyay inay fududeeyeen xatooyadan.

Maxkamadeyntooda oo ka dhacday Maxkamadda Oxford Crown Court ayaa laga sheegay in suuliga laga yaabo in la fuqsaday dibna aan loo helin.

Dacwad-ooge Julian Christopher KC ayaa maxkamadda u sheegay in burcad ka kooban shan oo labo gaari watay ay ka gudbeen albaabbada xiran ee Qasriga Blenheim Palace aroor hore 14-kii September 2019 ayna xoog ku galeen dhismaha iyagoo watay qalabka wax lagu jebiyo sida buruska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker