Madaxweynaha Ukraine oo rajo ka muujiyay in dagaalka ka socda dalkiisa la soo afjaro
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa yiri “waxaan rajeyneynaa in aan soo afjarno dagaalka sanadkan”, iyadoo seddex sano ee ka soo wareegatay markii Ruushku uu duulaan ku qaaday Ukraine.
Laakin waxa uu ka digay in Ukraine ay u baahan tahay dammaanad amni si ay uga hortagto in Moscow ay soo rogaal-celiso, isagoo soo jeediyay in dalkiisa uu ka mid noqdo Midowga Yurub iyo Nato taasoo u uku tilmamaay mid caawin doonta dalkiisa.
Ruushka ayaa marar badan ka soo horjeestay fikradda ah in Ukraine ay ku biirto Nato.
Markii hore, Zelensky wuxuu sheegay in heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka uu ku bilaaban karo ” isweydaarsiga maxaabiista dagaalka.
Zelensky ayaa hadalkan ka sheegay shir madaxeedka madaxda Yurub oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, kuwaasoo ku sugnaa Kyiv si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Ukraine.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, Zelensky ayaa la weydiiyay rajada uu ka qabo Ukraine iyo dadkeeda ka dib seddex sano oo dagaal ah.
“Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan soo afjarno dagaalka” ayuu ku jawaabay, isaga oo intaa ku daray in uu aad ugu adkeyd guud ahaan dadka dalkiisa.
Waxa uu sheegay in Ukraine ay u baahan tahay dammaanad amni muddo gaaban gudaheed si looga hortago in Ruushka uu soo laabto sanadaha soo socda.
Ku biirista Midowga Yurub iyo Nato dhawaan “wax badan ayay naga caawin doontaa”, ayuu raaciyay.