Faahfaahin ka soo baxaysa Markab lagu afduubtay xeebaha Puntland oo la sii daayay

Howlgalka ATALANTA, ee Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in la sii daayay markabka “SAYTUUN-2”, oo ah doonidii kalluumeysiga ee Yemen isla markaana laga afduubtay deegaanka Garmaal, ee xeebaha Waqooyi ee Puntland.

17-kii Febraayo, EUNAVFOR ATALANTA ayaa lagu wargeliyay weerar looga shakisan yahay in burcad badeed ay gaysatay oo ay ku qaadeen doon uu ka babanaayay calanka Yemen, meel u dhow Garmaal, agagaarka Eyl, ee xeebaha Waqooyi ee Puntland (Soomaaliya).

Falkaan ayaa la sheegay in ay gaysatay burcad hubeesan waxaana doontu ay gacanta ugu jirtya burcadda 17-kii ilaa 22-kii bishaan February.

Howlgalka ATALANTA ayaa sheegay in si joogta ah ay ula socdeen dhacdadan, waxayna si dhow ula shaqaynayeen qolyaha ka shaqeeya ammaanka ee aaggaas ku sugan.

22-kii Febraayo, markabka kalluumaysiga ayaa burcad badeeddu banneeyeen, iyagoo qaatay qaar ka mid ah alaabihii shaqaalaha doonta saarnaa.Wararka ayaa sheegaya in shaqaaluhu ay hadda bad qabaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker