Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan isbarasho iyo is-xogwaraysi Ah kula qaatay Xafiiskiisa madaxda sare ee Qaramada Midoobay (UN Representatives).

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa maanta kulan isbarasho iyo is-xogwaraysi Ah kula qaatay Xafiiskiisa madaxda sare ee Qaramada Midoobay (UN Representatives). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadaynta, casriyeynta laamaha amniga, iyo Horumarinta xirfadaha ciidamada ammaanka.

Wasiirka ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyey dadaallada ay Xukuumada Somaliland ugu jirto sidii loo xoojin lahaa nabadaynta gobollada bari iyo muhiimadda ay u leedahay in la horumariyo laamaha amniga.

Wasiirku Wuxuu xusay in casriyeynta qalabka iyo tayeynta xirfadaha ciidamada ay udub dhexaad u tahay sugnaanta amniga dalka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfahan buuxa, iyadoo lagu ballamay in la sii wado kulamada noocan oo kale ah si loo xoojiyo wada-shaqaynta Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Ugu Dambayn Wasiirka ayaa uga mahadceliyey weftiga Booqashadooda iyo sida ay uga goโ€™an tahay inay lasii shaqeeyaan dowladda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker