Walaac soo wajahay soo galootiga Soomaalidu ka mid tahay ee Jarmalka ku nool kadib guusha muxaafadka

Peter Altmaier, wasiirkii hore ee dhaqaalaha Jarmalka, ayaa sheegayย  in uu u malaynayo in Jarmalku u baahan yahay dawlad “Karti iyo waxqabad la timaadda” isla markaana, mawqif adag ka qaadato xaalado badan.”

Dhanka AfD, Altmaier waxa uu sheegay in guusha qolyaha midigta fog ay isaga iyo malaayiin kale oo Jarmal ah ay aad uga โ€œnaxeen “.

Waxaa jira walaac ku saabsan, soo galootiga iyo sida loola dhaqmi doono kadib guusha xisbigan ka soo horjeeda dadka muhaajirihiinta ah.

“Waxaan u maleynayaa in tani ay tahay arrin walaac weyn ku haysa Friedrich Merz hadda… Haddii uusan xallin karin dhibaatadan, waxaan filayaa in xisbiyada xagjirka ah ay sii korayaan.”

Waxaa la aaminsanyahay in soo galooti badan ay la kulmi karaan caqbado badan oo dhanka sharciyada ah. Dalka Jarmalku waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Soomaali badan oo halkaas qaxooti ku ah, kuwaas oo qudhoodu ka welwelsan tallaabooyinka u xisbigaan qaadi karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker