Shan bilood kadib oo aas qaran loo sameynayo hoggaamiyihii ururka Xisbullah iyo ku xigeenkiisii

Kumanaan kun oo Lubnaaniyiin ah ayaa ugu baroor-diiqay magaalada Beyruut Xoghayihii hore ee Xisbullah Xasan Nasrallah iyo ku-xigeenkiisii โ€‹โ€‹Hashem Sayfu-diin, kuwaas oo lagu dilay laba weerar oo ay Israaโ€™iil ka fulisay caasimadda Lubnaan qiyaastii 5 bilood ka hor, intii lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Xisbullah iyo Israaโ€™iil.

Dadkaan tirade badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Camille Chamoun Sports City oo ku yaala koonfurta Beyruut.Ka hor inta aanu bilaaban isu soo baxu, Israaโ€™iil waxay laba weerar ku qaadday koonfurta Lubnaan.

Waxaa la arkayay dadka oo wada naxashkii Nasrallah iyo ku xigeenkiisii Hashem Sayfu-diin waxaa lagu qaaday gaari furan oo ay muraayado ku wareegsanyihiin, kaasoo dhex marayay dadkii isugu soo baxay bartamaha magaalada.

Ka qaybgalayaasha ayaa ku dhawaaqayay “Labayk Nasrallah” waxayna ku labisnaayeen dhar madow, iyagoo sitay calamada xisbiga, calanka Lubnaan, sawirada Nasrallah iyo Safieddine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker