Saraakiisha laanta socdaalka ee gobolka Awdal ayaa ku hawlan wax ka qaba-shada soogalootiga
Saraakiisha laanta socdaalka ee gobolka Awdal ayaa ku hawlan wax ka qaba-shada soogalootiga sharci darada ah ee ku sugan gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasimada u ah gobolka Awdal.
Taliyaha laanta socdaalka gobolka Awdal Gaashaanle Rashiid Aadan Siciid ayaa wacad ku maray inay ka goโan tahay fulinta awaamiirtii ka soo baxday taliska laanta socdaalka Somaliland, isla markaana ay cudud iyo ciidanba iskugu gaynayaan la taacilda soogalootiga sharci-darada ah.
Amarkan iyo talaabooyinka ay qaadayaan saraakiisha waaxda socdaalku ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti magaalada Boorama oo ah magaalo u jirta xuduuda Ethiopia wax ka yar 5km oo jihada Koonfur-galbeed ah ay xarun u noqotay soogalooti sharci daro ah oo raxan-raxan xuduudaa uga soo gudba. Dadkan Ajaanibta ah oo aalaaba lagu arko suuqyada magaalada ayaa waxa muuqata in ay saamayn togan iyo mid taban-ba ku yeelan doonaan mustaqbalka noloshii dhaqan-dhaqaale ee dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland hadii aan wax laga qaban.