Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo sheegay in uu diyaar u yahay in xilka uu ka dego

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu “ka tanaasulo” madaxtinimadiisa si uu nabad u gaaro, iyadoo Ukraine ay u buuxsantay saddex sano tan iyo markii uu si rasmi ah Ruushku duulaan ugu qaaday.

“Haddii aad u baahan tahay inaan ka tago kursigan, diyaar ayaan u ahay inaan sidaas yeelo, sidoo kale waan sameyn karaa si Ukraine ay xubin uga noqoto NATO,” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay shir jaraa’id.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Zelensky ku tilmaamay “kaligii taliye” horaantii todobaadkan.

“Kama xumaanin [warkaas], laakiin kaligii taliye ayaa noqon lahaa,” Zelensky ayaa ku jawaabay Axadii, isagoo ku adkaystay in si dimoqraadi ah loo doortay bishii May sanadkii 2019-ka.

Zelensky waxa uu sheegay in uu hadda diiradda saarayo arrimaha ammaanka ee Ukraine oo aanay riyadiisa ahayn in uu xukunka sii hayo muddo toban sano ah.

Sharciga Ukraine ayaa mamnuucaya in doorasho la qabto inta lagu guda jiro xaalad dagaal, taasoo hadda soo jirtay tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaankiisa bishii Febraayo 2022.

Madaxda Midowga Yurub iyo hogaamiyayaasha caalamka ayaa la filayaa inay maanta oo isniin ah tagaan magaalada Kyiv, si ay u muujiyaan garab istaagooda Ukraine, kana wadahadlaan xaalada ammaanka. Raysal wasaaraha Spain Pedro Sanchez, Madaxweynaha Golaha Yurub Antonio Costa, iyo Madaxweynaha gudiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ka mid ah dadka la filayo inay si shaqsi ah uga qaybgalaan kulanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker