Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Imaaraatka kula xisaabtamayso casuumadii ay u fidisay Madaxweynaha Somaliland

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Dowladda Imaaraadka Carabta ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay ku casuumeen ka qeyb galka shirka dowladdaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Dubai.

โ€œSomaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waxayna qabaan tabashooyin aan u raadinayno inaan wadahadal ku xallinno,โ€ ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo mar kale ku celiyay mowqifka Muqdisho ee ah in Somaliland ay weli ka mid tahay Soomaaliya.

Horaantii bishan, Madaxweyne Cirro waxa lagu casuumay madal caan ah oo uu kaga qayb galay shirkii dawladdaha Adduunka ee Dubai, kaas oo uu beesha caalamka ugu baaqay inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan.

Ugu horrayn, Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay booqashadaas, iyadoo la barbar-dhigtay safarradii ay ku tageen madaxda maamul-goboleedyada dalka Imaaratka Carabta, waxaana wasiir Fiqi Tusaale usoo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku tagay Dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha dibadda Fiqi ayaa hadda si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan iska indho-tiri doonin waxa ay u aragto faragelinta lagu hayo madax-bannaanideeda.

“Soomaaliya uma dulqaadan doonto faragelinta,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin ay wax kaga qabanayso xiriirka kala dhexeeya Imaaraatka, Ma uusan cadeyn Wasiir Fiqi tallaabooyinka ay Dowladda damacsan tahay inay qaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker