Dowladda Soomaaliya oo iska bixisay qaadhan muddo badan lagu lahaa dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in soddon iyo shan sano (35), kadib Soomaaliya laga saaray liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkaan bixisay lacagtaas, taasoo ku tilmaamay guul weyn oo la gaaray.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in muddo badan qaarnkaan lagu lahaa Soomaaliya uu waji gabax ku ahaa ergada iyo wafuudda kala duwan ee dowladda Soomaaliya.Wuxuuna intaa ku daray in tani ay ka dhigantahay in Soomaaliya hadda ay booskeedii xajisatay.