𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐟𝐭𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 .
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti ballaadhan oo u hoggaaminaayo oo ay mid yihiin Wasiirka Gaashandhigga , Wasiirka Gaadiidka, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Xildhibaanno ayaa socdaal shaqo ku gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Waftigan ayaa soo dhawayn loogu sameeyey Deegaanada u dhaxeeya Berbera ilaa Ceerigaabo iyaga oo waftigu galabta casarkii gaadhay magaalada Ceerigaabo.
Ugu horreyn Cuqaasha, waxgaradka Gobolka Sanaag oo soo dhaweeyey waftiga ayaa sheegay in ay si bilaa shuruud ah waftiga kala shaqaynayaan doonaan hawlaha ay u socdaan.
Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Maayir kuxigeenka Ceerigaabo oo iyaguna waftiga ku soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo madasha ka hadley ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda cusub ay diyaar u tahay in ay bulshadeeda dhageysato isla markaana kala shaqayso arrimaha horumarinta Bulshada.
Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay ujeeddada socdaalkooda oo u ku sifeeyey sidii nabada Ceerigaabo looga wada shaqayn lahaa iyo Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah.