Rag Doonayay in ay gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka Oo Ay Qabatay Dowladda Beljimka

Dowladda Beljimka ayaa ceyrisay 5 qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxa laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.

 

Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay “inay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta”.

Sida ay 5 nin ku xuseen bog ay barta facebook ku leeyihiin waxay xiriir la leeyihiin siyaasiga midig fog ee u dhashay dalka Denmark kaasi oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Mr Paludan ayaa qudhiisa laga ceyriyay dalka Faransiiska Arbacadii ka dib markii uu muujiyay in uu doonayo in Kitaabka Quraanka uu ku gubo magaalada Paris.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs .

 

https://www.youtube.com/watch?v=pKxT9wty7sg

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker