Talyaaniga oo la wareegay howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Talyaaniga ay la wareegtay hogaanka howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee laga sameenayo xeebaha Soomaaliya, si looga hortago burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca.
Howlgalka Midowga Yurub ee NAVFOR ATALANTA ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri: “Admiral Davide Da Pozzo oo Talyaani ah ayaa la wareegay hoggaanka howlgalka Atalanta, isagoo bedelaya sarkaalka Portugues ka ah ee Admiral Alexandre Serrano, kaasoo xilka hayay tan iyo 12-kii Diseembar 2024.”
Warku waxa uu intaa ku daray in munaasabadda xil wareejinta ayaa lagu qabtay dekedda Jabuuti iyaga oo saaran markab laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo (Santa Maria), iyadoo uu goob-joog ka ahaa taliye ku-xigeenka hawlgallada “Atalanta” ee Midowga Yurub, Admiral Ignacio Villanueva Serrano.
Warka sidoo kale waxaa shaaca looga qaaday in Admiral Da Pozzo uu hogaamin doono wareegtada 49-aad ee howlgalka Atalanta, iyadoo markabka dagaalka ee Talyaaniga (ITS Rizzo) uu yahay markabka hogaaminaya howlgalka.
Taliskaan ayaa ku amaanay taliyihii hore ee howlgalkaan Alexandre Serrano fulinta howlgallada lagu guuleystay ee ka dhanka ah burcad-badeedda, oo ay ka mid yihiin “Xoreynta laba doonyood oo kalluumeysi, mid ka babanaya calanka Shiinaha, mid kalana uu ka babanayo calanka Yemen.