Taliyeyaasha Militeriga iyo Sirdoonka Itoobiya oo Booqasho hal maalin ku yimid Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Soomaaliya 22-kii Febraayo 2025, Booqashadan ayaa ka dambeysay ka dib wada-hadallo laba geesood ah oo dhowaan dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmed oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 14-16 Febraayo 2025.

Labada Dowladood ayaa isku raacay in guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen dardargelinta qodobadii kasoo baxay heshiiskii Ankara ay ku saxiixdeen si Itoobiya ay u heli lahayd marin biyood,Taliyaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISS), Redwaan Xuseen iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Amb. C/llaahi Maxamed Cali ayaa Soomaaliya ku soo dhaweeyay General Birhanu Jula iyo Redwan Hussein, waxayna bogaadiyeen iskaashiga xooggan ee labada dal ka dhaxeeya.

Madaxda ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxdu waxay soo dhaweeyeen bilawga Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la sii amba qaado guulihii uu gaaray howlgalkii dhamaaday ee ATMIS, iyagoona hoosta ka xariiqay doorka Itoobiya ee hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika.

Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si waafi ah loo taageero dadaallada hadda socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, waxayna hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay inay si wadajir ah isaga kaashadaan ka hortagga argagixisada, waxaana lagu amaanay Doorka ee Itoobiya ay ka geysaneyso nabadda iyo xasilloonida gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker