Maraykanka oo duqayn ku dilay saddex xubnood oo katirsan kooxda Daacish

Saddex dagaalame oo katirsan ISIS ayaa lagu dilay howlgal duqeyn ah oo si wadajir ah u fuliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) kaasoo ka dhacay Buuraha Caal Miskeed ee Puntland.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, duqeymaha ayaa billowday fiidkii Feberaayo 21 illaa maalintii xigtay ee Feberaayo 22, 2025, iyada oo lagu beegsanayay xubnaha ISIS ee ku dhuumaalaysanaya dhulka buuraleyda fog ee Puntland.

Howlgalkan ayaa lagu taageerayey Ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Daacish.

AFRICOM ayaa xaqiijisay ka qeyb-galka hawlgalkan, iyagoo sheegay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday argagixisada Daacish si loo wiiqo dhaqdhaqaaqooda Puntland.

Buuraha CalMiskeed ayaa muddo dheer ahaa saldhigga dagaalamayaasha Daacish ee Puntland. Dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in duqeyntan ay dhabar jab weyn ku tahay joogitaanka kooxda  Daacish ee gobolka Bari.

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay ciribtirka unugyada ISIS ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay in la sii wadi doono cadaadiska milatari ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ku sugan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker