Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo dib u fasaxay xildhibaano laga joojiyay kalfdhiyadda Baarlamaanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dib ugu fasaxay 15 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka qeyb galka fadhiyada guud ee Golaha kalfadhiga lixaad.
Xildhibaanadan ayaa horey looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Golaha kadib dhacdadii ka dhacday Golaha 27-kii November sanadkii hore. Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada in ay ilaaliyaan dastuurka Qaranka iyo xeer-hoosaadka Golaha.
Xildhibaanada loo fasaxay fadhiyadda Baarlamaanka waxaa kamid ah xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xildhibaan Firimbi) oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka,.
Sidoo kale waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay is horistaagid kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.
