Golaha Ammaanka oo Rwanda ka dalbaday in ay joojiso taageerada jabhadda M23
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Rwanda in ay joojiso taageerada ay siiso kooxda hubeysan si loo joojiyo dhiigga daadanaya, xilli dagaalyahannada M23 ay dhowr jiho ka weerareen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Jimcihii.
khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in jabhadda M23, oo ay taageerayaan ilaa 4,000 oo ciidamada Rwanda ah ay gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ah gobol aan xasilloonayn oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah.
Siqidda degdega ah ee kooxda M23 ayaa horseedday in kumanaan qof ay colaadda ka qaxaan.
Dagaalyahannada M23 ayaa Axaddii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta caasimadda gobolka South Kivu ee Bukavu toddobaadyo ka dib markii ay la wareegeen magaalada Goma oo ah caasimadda gobolka North Kivu ahna magaalada ugu weyn ee bariga dalkaasi.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar si wadajir ah u ansixiyay Jimcihii kaasi oo si adag u cambaareynaya weerarka socda iyo sii siqidda dhaqdhaqaaqa M23 ee Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu iyagoo taageero ka helaya Ciidamada Rwanda.
Qaraarka aya sidoo kale ugu baaqaya ciidamada Rwanda in ay joojiyaan taageerada Kooxda M23 ayna si degdeg ah oo shuruud la’aan ah uga baxaan dhulka Jamhuuriyada Dimuqaraadiga ah ee Congo.