Dawladda Rwanda oo ka cadhootay cunaqabataynta Maraykanka ee la xidhiidha dagaalada ka socda Kongo
Dowladda Rwanda ayaa si adag u cambaareysay go’aanka Maraykanka ee cunaqabataynta ay ku saartay wasiiru-dowlaha isdhexgalka gobollada, James Kabarebe, kaas oo lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Khamiistii shaacisay cunaqabatayntan, sidoo kale waxay xannibtay Lawrence Kanyuka, afhayeenka M23, iyo laba shirkadood oo uu maamulo kuwaasoo ka diiwaangashan UK iyo Faransiiska.
Dowladda UK ayaa Jimcihii ka digtay in Rwanda ay la kulmi doonto “cawaaqib” haddii la xaqiijiyo eedeymaha la xidhiidha doorka ay ku leedahay dagaalka Congo.
Dawladda Rwanda ayaa si cadho leh uga falcelisay wararkaas. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa sheegtay in cunaqabatayntaasi aysan xal u keeneyn colaadda DRC, kuna tilmaantay “mid aan la aqbali karin oo sal iyo raad lahayn”.
Colaadda bariga DRC ayaa sii huraysa, iyadoo maleeshiyaadka M23 ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah sida Goma iyo Bukavu, taasoo sababtay barakaca kumanaan dad ah iyo xaalad bini’aadannimo ba’an.
Waddamada reer Galbeedka ayaa ku eedeeyay Rwanda inay hub iyo taageero militari siiso M23, islamarkaana ciidankeeda RDF ay si toos ah u taageeraan fallaagadaas.
“Go’aanka maanta wuxuu muujinayaa sida aan uga go’nahay in lala xisaabtamo shaqsiyaadka iyo cid walba oo gacan ku lug leh fowdada iyo xasilooni-darrada ka jirta bariga DRC,” ayuu yidhi Bradley Smith, oo ah Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ee La-dagaallanka Argagixisada.
Laakiin Rwanda ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto badbaadinta amnigeeda iyo soo afjaridda waxa ay ugu tilmaantay “xagjirnimada qowmiyadeed ee gobolka”.
“Shacabka Rwanda waxay xaq u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan, kana gashaantaan caqabad kawta oo kaga imanaysa xuduudaha DRC,” sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda.
Dhinaca kale, DRC ayaa si diirran u soo dhoweysay tallaabada Maraykanka, iyadoo beesha caalamka ka dalbatay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Rwanda si loogu cadaadiyo inay ciidankeeda kala baxdo dhulka Kongo.