𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐣𝐢𝐦𝐜𝐞 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚, 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐢𝐡𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐟𝐚𝐬𝐚𝐱𝐚𝐲

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa salaadda Jimcaha kala qaybgalay shacabka ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan masjid jaamica weyn, waxana uu caddeeyey in ugaas guud ee gobolka Awdal ugaas Cabdirashiid ugaas Rooble ugaas Dooddi uu dalkiisa iman doono.
May be an image of 4 people, dais and text
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kale oo xukuumadda katirsan, ayaa bulshada kula tukaday masaajidka weyn ee Masjid jaamica Boorama, waxana uu salaadda kaddib madaxweynuhu la hadlay shacabka reer Boorama, isaga oo ugu bushaareeyey inuu dhawaan dalka iman doono, qaabka uu u imanayana laga wada shaqayn doono.
May be an image of 3 people and dais
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu ugaasku kasii maqnaan doonin dalkiisa iyo dadkiisaba, dhawaanna madaxda dhaqanka iyo xukuumaddu ka wada shaqayn doonaan qaabka uu u iman doono, waxana uu yidhi, “Ugaasku dalkiisa iyo dadkiisa ka maqnaan maayo oo wuu imanayaa, sida uu u imanayo iyo sida loo maamuusayana odayaashaanu ka wada shaqayn doonaa waqtiga ku munaasibka ah.”
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker