๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฆ๐, ๐๐๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐๐ง๐ ๐ฑ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku gudo jiro safarkiisa shaqo ee ku fulinaayo ballamihii uu waqtigii ololaha u qaaday bulshada reer Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha madaarka Boorama oo udub-dhexaad u ahaa ballamihiisii ololaha, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray waddo weyn oo laga hirgeliyey badhtamaha suuqa Boorama.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo kuwa degmada iyo madax-dhaqameed kala duwan, ayaa ka qaybgalay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhigga dhismaha madaarka Boorama, waxana munaasibaddaas laga jeediyey hadallo salka ku haya sida xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD uga goโan tahay taabbogelinta dhammaanba waxqabadkii uu madaxweynuhu bulshada u ballanqaaday xilligii ololaha.

Madaxda gobolka Awdal iyo degmada Boorama oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Boorama ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan waxqabadka ballaadhan ee ay gobolka ka waddo, iyaga oo si gaar ah farriin ugu diray shacabka deggen dhulka madaarka Boorama oo loogu baaqay inay dhulkaas danta guud ah ka diyaar garoobaan.
Wasiirka wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarradda Somaliland, Mudane Fuโaad Axmed Nuux oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qaabka dhismaha madaarku noqon doono iyo waxyaabaha uu ka koobnaan doono, waxana uu sheegay inay ka dhabayn doonaan hirgelinta madaarkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inuu dhisayo oo dhammaystirayo madaarka Boorama, isaga oo bulshada ugu baaqay inay taageeraan dhismaha madaarka iyo horumarka kale ee gobolka ka socdaba.

Dhinaca kale madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgeilyey gudaha magaalada Boorama, taas oo wax badan ka tari doonta isu socodka gaadiid ee gudaha magaalada Boorama.
