Suudaan oo u yeedhtay safiirkeeda Kenya
Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa Khamiistii dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray โsi wadatashi loola yeesho,โ iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay โshirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,โ tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA.
Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha โXukuumadda Nabadda iyo Midnimadaโ.
Hadal hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, inuu qaaday “jaho hoose oo ceeb leh” isaga oo “gacan ka siinaya oo dhiirrigelinaya shirqool jabinaya madaxbannaanida Suudaan.”
Ilo ku dhow abaabulayaasha shirarka RSF ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in saxiixa axdiga, oo markii hore loo qorsheeyay Talaadadii, dib loo dhigay ilaa dhammaadka toddobaadka.
Dagaalka u dhexeeya militariga iyo RSF, oo billowday bishii April 2023, ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka in ka badan 12 milyan ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan.
Dalka Suudaan ayaa u kala qeybsamay laba dhinac, iyadoo militarigu gacanta ku hayaan waqooyiga iyo bariga, halka RSF ay maamusho inta badan galbeedka iyo qeybo badan oo ka tirsan koonfurta.
Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum, iyo sidoo kale gobolka Al-Jazira, oo ku yaalla koonfurta caasimadda.
Dadaallada RSF ee ku aaddan dhismaha maamul kale oo ay ka hirgeliso dhulalka ay maamusho, ayaa imanaya xilli ay xoojineyso gacan-ku-haynteeda gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, halkaas oo militariga ay gacanta ku hayaan oo kaliya magaaalada El-Fasher iyo hareeraheeda.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Arbacadii ka digay in arrintani โkeeni karto kala qeybsanaan hor leh oo dalka ku timaadda, taasoo sii xumeyn karta xasaraddaโ.
Khamiistii, Jaamacadda Carabta ayaa cambaareysay โtallaabo kasta oo wiiqi karta midnimada Suudaan ama horseedi karta kala qeybsanaan.โ
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Arbacadii difaacday martigelinta shirarka RSF, iyada oo sheegtay in ay โwaafaqsan tahay doorka Kenya ee wada-hadallada nabadda,โ maadaama ay isku dayeyso inay dhex-dhexaadiso labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ay militarigu taageeraan ee Suudaan ayaa Khamiistii si kulul uga falcelisay, iyada oo ku eedeysay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu “ka shaqeynayo dano ganacsi iyo dano gaar ah oo la xiriira xulafada gobolka ee maleeshiyadaโ.
Eedeyntaasi waxay si dadban ugu jeedday Imaaraadka Carabta, oo si ballaaran loogu eedeeyay inuu hubaynayo RSF, inkasta oo ay marar badan beenisay eedahaasi.
Bishii hore, Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis dhaqaale, kaas oo xafiiska Ruto uu ku tilmaamay โtallaabo taariikhi ahโ iyo โheshiiskii ugu horreeyay ee noociisa ahโ.