Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga kala xaajooneysa in Soomaalida ku xiran loogu soo wareejiyo Soomaaliya
War saxaafadeedka wasaaradda waxaa lagu sheegay in Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, uu si dhaw u la socdo xaaladda sharci iyo midda biniโaadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.
Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadan doonto doorkeedi samatabixinta muwaadiniintaasi iyadoo arrimahaasi kala hadlaysa Dowladda Sacuudiga.
War saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hayโadaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga”.
Wasaaradda oo warkeedi sii wadata waxay intaa ku dartay “si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya”.
Maalmihii lasoo dhaafay qaar kamid qoysaska muwaadiniintaasi oo warbaahinta ka hadlaayay ayaa ugu baaqay Dowladda inay gacan ka gaysato sidii wiilashooda looga soo samatabixin lahaa dalka Sacuudiga.
