Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Booqday Suuqa WAAHEEN Islamarkaasna Duray Madaxweyne Muuse Biixi
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaadhay suuqa-wayn ee WAAHEEN oo xalay ilaa saaka gubanayay.
Dabkan ayaa waxaa uu keenay khasaare-hantiyeed oo aad u badan, iyadoo suuquu guud ahaanna uu shuf-beelay.
Gudoomiyaha Oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu murugada la qeyb-sanayo shacabkii Hargaysa ee khasaaruhu soo gaadhay, waxaanu alle ka baryay cawil khayr qaba in alle siiyo dadkii ku caydhoobay dabkaas.