Xisbiga Kulmiye oo Tacsiyeey Taliyihii La Dilay.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed isagoo ku hadlaya afka Hoggaanka Xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan Bahweynta Kulmiye, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Ciidanka Booliska JSL iyo shacabka reer Somaliland geerida naxdinta leh ee Alle ha u naxariisteeTaliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo shalay (18/02/2025) isagoo shaqadiisa ku gudo jira askari ka tirsan ciidankiisii si xaq-darro ah u dilay.
Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey Marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur sarkaal ka mid ahaa tiirarka Ciidanka Booliska JSL aqoon ahaan iyo waayo-aragnimo ahaan labadaba.
Guddoomiyuhu waxa uu ku baaqayaa in xalka iyo baadhista dilka Sarkaalka loo daayo Dawladda oo aan laga hordhicin. Dhammaanteena aynu ka wada shaqayno ilaalinta nabadgalyada.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, Ciidanka Booliska iyo shacabkana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE