Taliyaha Booliska Somaliland oo Ku Sugan UK

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay dalka Ingiriiska, iyada oo ay safarkan ku ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan Xafiiska FCDO (Foreign, Commonwealth & Development Office) ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iyo sii wadida xidhiidhka Booliska JSL iyo Xafiiska FCDO ee UK.

Taliyuhu waxa uu magaalada London kula kulmay saraakiil Sare oo ka tirsan Booliska Ingiriiska, halka magaalada Cardiff uu kulan kula yeeshay Saraakiil Sare oo Booliska South Wellis. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta labada dhinac. Iyadoo la raacayo siyaasadda madaxweynaha JSL ee tayaynta ciidamada, taliyuhu waxa uu saraakiishii uu la kulmay kala hadlay kor u qaadista tababarrada ay siiyaan Booliska JSL.

Intii uu safarkan shaqo ku jiray, Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Somaliland ee Landon Cardiff, isaga oo kala hadlay doorkooda horumarka dalka, gaar ahaan dhanka amniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker