Wada hadalo farsamo oo Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Mas’uuliyiin ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Turkiga ku leh wadahadallo farsamo si loo dhaqan geliyo heshiiskii Ankara, loogana wada hadlo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya.

Wadahadalladan ayaa daba socda kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la doonayay in lagu soo hagaajiyo xiriirka diblumaasiyadeed.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in wada hadaladan diiradda lagu saarayo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii laga gaaray wada xaajoodyadii hore ee ka dhacay Ankara.

Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysay marin ganacsi oo dhanka badda ah, codsigaas oo xiisad ka dhaliyay Geeska Afrika. January 1, 2024, Itoobiya waxa ay Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad ah, iyada oo soo jeedisay in 50 sano laga kireeyo xeebta 19 KM ee u dhow Berbera.

Heshiiskan oo sidoo kale ka dhawaajiyay suurtagalnimada in Itoobiya ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland, ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tilmaantay mid xad gudub ku ah madax-banaanideeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku adkeysatay in heshiis kasta oo dhanka badda ah uu yahay in lagala xaajoodo oo kaliya dowladda federaalka lana waafajiyo shuruucda caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker