Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge oo La Dilay

Alle naxarisitii janno haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray si argagax leh loo dilay , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Taliye Kuxigeennada , Hogaamada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada Booliska JSL, Qoyskii iyo qaraabada marxuumka. Waxaana Alle ka baryeyaan inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga wada siiyo, islamarkaana uu janadii Firdowsa ka waraabiyo.

ان لله وانا اليه راجعون.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker