Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaraha ee Toronto
Diyaarad rakaab wadday oo ay leeday shirkadda Delta Air Lines ee dalkan Mareykanka ayaa Isniintii shalay ku rogmatay, garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray ilaa 19 qof oo ay ku jiraan saddex ruux oo ay xaaladdoodu aad u liidato.
Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee magaalada Toronto ayaa xaqiijiyay, in shilka uu dhacay shalay abaaro 2:15 daqiiqo ee galabnimo, kaddib marki ay dayaaraddu rogmatay isla markaana dusha ku istaagtay xilligi ay soo caga dhiganeysay jidka ay diyaaradaha ku ordaan.
Dayaaradda oo ay saarnaayeen 76 rakaab ah iyo 4 ka mid ah shaqaalaheeda ayaa kasoo duushay magaalada Minneapolis. Dhammaan 80-ki qof ee la socday diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay u badantahay in shilka diyaaradda uu sababay baraf xoog leh oo ka da’ay magaalada Toronto. Muuqaal laga soo duubay shilka ayaa muujiyay diyaaradda oo dusheeda ku fadhida iyo shaqaalaha gurmadka oo ku xoomman aaggaasi.
Sida laga soo xigtay Adeegga Saadaasha Hawada ee Canada, garoonka diyaaradaha waxaa buuxiyay baraf, iyadoo ay jireen dabeylo ku socday xawaare dhan 51 kiilomitir saacaddiiba, halka darajada qabowga ay ka hooseysay -8.6 selsiyas.
Waa shilki afraad ee diyaaradeed ee ka dhaca Waqooyiga America tan iyo bishi hore. Diyaarad helikobter ah iyo mid rakaab wadday ayaa 29-ki Janaayo iskula dhacay agagaarka magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof oo u badnaa rakaabki diyaaradda.
Shil kale oo ka dhacay magaalada Philadelphia, ayaa waxaa ku dhintay 6 qof, kaddib marki ay dhacday diyaarad yar oo nuuca caafimaadka. 10 qof oo kale ayaa iyaguna ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Alaska.