Kalfadhiga Baarlamaanka oo la shaaciyay xilliga uu furmayo
War saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 6ad ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana waxay go’aamiyeen in kalfadhiga 6 ee Baarlamanka 1 laad uu rasmi ah furmi doonno maalinta Sabtida ah taarükhduna ku beegan tahay 22 Febraayo 2025.”
Xildhibaanada kamaqan dalka ayaa loogu baaqay inay kusoo laabtaan ka hor intaan kalfadhiga furmin si loo dardargeliyo howlaha Baarlamaanka horyaala ee shacabka iyo dalka loogu adeegayo.
“Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor muddada la go’aamiyay ee furitaanka Kalfadhigga 6 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war saxaafeedka Gudoonka labada aqal.
Maalin ka hor ayay ahayd markii ay xubno ka tirsan Mucaaradka ay cod dheer ku sheegeen in hadii maalmaha soo socda la furi waayo fadhiyada Baarlamaanka ay goob kale ka furi doonaan.
