Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo dib u cusbooneysiinaya xayiraada saaran Al shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay dib u cusboonaysiiyaan cunaqabateynta saaran Al-Shabaab ka hor inta aan la gaarin February 28, 2025, maadaama kooxda Al shabaab ay weli khatar weyn ku tahay xasilloonida Soomaaliya iyo ammaanka gobolka.

Tallaabooyinka, oo markii hore lagu soo rogay in lagu carqaladeeyo maalgelinta iyo awoodaha hawlgal ee Al-Shabab, ayaa sii wadi doona beegsiga shabakadaha ganacsiga ee sharci darrada ah, ilaha dhaqaalaha dibadda, iyo waddooyinka soo iibsiga hubka ee Kooxdaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in dib u cusboonaysiinta ay ka tarjumeyso walaaca isa soo taraya ee laga qabo khatarta sii kordhaysa ee Al-Shabaab, iyadoo kooxda ay ballaarisay howlaheeda maaliyadeed ee ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

Kooxdan Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay xoojisay ku lug lahaanshaha shabakadaha wax tahriibiya ee gobolada, oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga dahabka ee sharci darada ah iyo cashuuraha laga qaado deegaanada ay maamulaan.

Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa ku adkeysanaya in nidaamka cunaqabateynta ay muhiim u tahay si loo joogteeyo cadaadiska la saarayo Al-Shabaab, si looga hortago in kooxda ay dib u soo ceshato saameyn dhuleed iyadoo jawiga ammaanka Soomaaliya uu isbedelayo.

Haddii la meel mariyo cunaqabateyntan cusub ayaa waxa ay xoojin doonta mowqifka beesha caalamka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, balse su’aasha ayaa ah in taageero dhaqaale iyo mid dowladnimo oo dheeri ah lagu biirin doono dadaallo ballaaran oo lagu xasilinayo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker