Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay 4 Caruur oo horey ay u qafaasheen Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Saraakiisha Hay’adda nabad galyada iyo sirdoonka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay kusoo bandhigeen 4 caruur oo Al shabaab ka qafaashey reerahooda si ay u askareeyaan kuwaasi oo ay kawateen degaano kala duwan.

Caruurtaan oo ka yar da’da qaangaarnimada ayay Al shabaab rabtey ineey tababar ku geliyaan deegaanka Buush-madiino ee gobolka Baay sida ay sheegeen Caruurtaasi oo la hadlay warbaahinta Koonfur Galbeed.

4taan Caruur ayaa sheegay in dhammaantooda laga qabtay iyagoo kusii jeeda Goobahoodi waxbarasho kadibna loo kaxeeyay meel duur ah oo ay kusugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Mid kamid ah Caruurtaan ayaa sheegay in laga qafaashay degaanka Rabdhuure kadibna Al shabaab ay geeyeen degaanka Buush Madiino si loo askareeyo kadibna lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Kuwa kale ee Caruurtaan ayaa tilmaamay in maalmo ay joogeen Buuh Madiino ay cagahoodi kusoo baxsadeen oo laba maalmood ay duurka kusoo jireen si ay usoo gaaraan degaanada ay ka arimiso Koonfur Galbeed, waxaana Maamulka Madaxweyne Laftagareen ay ka dalbadeen in la cafiyo ayna dib ula midoobaan qoysaskoodi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker