Rubio: Xamaas ‘waa in la ciribtiraa’
Mareykanka ayaa Axaddii shalay si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib markii uu Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio uu sheegay in ay tahay in Xamaas la ciribtiro, isla markaana aaney sii ahaan karin awood millatari iyo mid dowladeed.
Rubio ayaa magaalada Qudus shalay kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kulankaas oo qeyb ka ah booqashadi u horreysay ee uu xoghaye Rubiyo ku tagay Bariga Dhexe tan iyo marki loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka bishi hore.
Rubio, ayaa Netanyahu u sheegay in “ilaa iyo inta Xamaas ay u taagan tahay awood wax maamuli karta ama awood khatar keeni karta iyadoo la adeegsanayo rabshado, aysan macquul noqon karin nabaddu.
Hadalka Rubiyo ayaa ku soo beegmay xilli dhammaadka xabbad joojinta Isra’il iyo Xamaas ay ka hartay wax ka yar laba todobaad, isla markaana aanan wali la billaabin wada xaajoodka wajiga labaad ee muddo kordhinta xabbad joojinta.
Dhanka kale, ra’isul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa soo dhaweeyay qorshaha madaxweyne Trump ee uu ku doonayo in Mareykanku uu yeesho milkiyadda Gaza.
Wuxuu sheegay in isaga iyo Trump ay mustaqbalka Gaza ka leeyihiin istaraatiijiyad mid ah.
Soo jeedinta Trump ee Gaza ayaa waxaa diiday dowladaha Carabta iyo ururka Jaamacadda Carabta, waxaa sidoo kale ka soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah dowladaha xulufada dhaw la ah Mareykanka.