Faahfaahin ku saabsan duqayn uu Maraykanku ka geystay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada isdaba-jooga ah ee geesiyaasha Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan kooxda Daacish.
Dowladdu waxay sheegtay inuu socdo tirakoobka khasaaraha la gaarsiiyey kooxda Daacish, iyadoo faahfaahin dheeraad ah la soo bandhigi doono marka qiimeynta hawlgalka la soo gabagabeeyo.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa dhankiisa sheegay duqan uu Imaaraatku ka fuliyay buuraha Calmiskaad in lagu dilay 20 xubnood oo ay ku jiraan xubno sar sare.
Puntland waxay sheegtay in mid kamid ah duqaynta lala eegtay gaari xamuul ah oo ay Daacish u ararnaa.
Howlgalka ciribtirka Daacish ayay Puntland sheegtay in laga gaaray guulo waa weyn, iyadoo lagu dilay boqolaal Ajaanib ah oo katirsan Daacish, halka lagu burburiyay talisyo muhiim u ahaa kooxda.
Puntland waxay sheegtay in howlgalladan in ay soo dadajiyeen in ay kala firxadaan dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo ay sheegtay in qaarkood gacanta lagu dhigay.