9 qof oo Mareykanka ugu dhintay duufaannada xilliga jiilaalka

Ugu yaraan sagaal qof oo siddeed ka mid ahi ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa Axaddii sheegay, in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurki ay la socdeen ay liqdeen biyo jooggoodu uu sarreeyay.

Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontadi ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar.

Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England iyo New York.

Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan iyo kuwo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker