𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚, 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay.

Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa:

𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.

𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.

𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,

𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.

𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada:

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker