𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 & 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya Danjire 𝐀𝐥𝐩𝐞𝐫 𝐀𝐤𝐭𝐚ş iyo wefti uu hoggaaminayay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga.

Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.

Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker