Warshadii Qaraxyada iyo biraha Gaagiidka ee kooxda Daacish oo duqeyn lagu burburiyay
Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Xalay duqeymo culus oo dhanka cirka ah lagu burburiyay Warshadii oo kooxda Daacish u sameyn jirtay qaraxyada iyo biraha gaadiidka.
War kooban oo kasoo baxay Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymaha si gaar ah uga dhaceen deegaanka Sheebaab Calmiskaad ee dhulka buuralayda gobolka Bari, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.
“Waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska hawlgalka ciribbtirka kooxda Daacish ee Puntland.
Qoraalka kasoo baxay Taliska laguma shaacin tirada xubnaha Daacish looga dilay duqeymaha culus ee Xalay lala eegtay, marka laga soo tago in duqeymaha lagu burburiyay Warshadii qaraxyada ee kooxda Daacish.
Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ay dagaalo xoogan kula jiraan Daacishta ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal ajaaniib ah