Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay, shacabkana uga warbixiyey midhaha guushii ka dhalatay safarkiisii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo wefiga uu hoggaaminyo ee safarka shaqo kasoo guryo noqday waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa loo soo gelbiyey dhinaca Qasriga madaxtooyada oo qaar kamid ah madaxda iyo hormuudka qaranku bulshada uga jeediyey hadallo kala duwan oo ku saabsan muhiimadda uu shirkaasi u lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
May be an image of 2 people and wedding
Madasha lagu soo dhaweynayey madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa waxa ku sugnaa madax kala duwan oo ay kamid yihiin shirguddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, cuqaal, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya guusha weyn ee madaxweynaha qaranku uu kasoo hooyey shirkii caalamiga ahaa ee dawladaha dunida.
May be an image of 4 people, wedding and text
Ugu horrayn, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in natiijadii shirkaas kasoo baxday si weyn wax uga beddeshay jihadii ay Somaliland ku socotay, una jiheeyey dhinaca horumarka iyo aqoonsiga.
May be an image of 1 person, suit, aircraft and text
Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Giirre oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay guusha ballaadhan ee madaxweynuhu kasoo hooyey shirkii uu dalka Imaaraadka kaga qaybgalay, waxana ay shacabka ugu baaqeen inay garab galaan guusha midhaha shirka, lana shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa caddeeyey inuu madaxweynuhu ka qaybgalay abid shirkii ugu weynaa ee ay Somaliland si heer qaran ah uga qaybgasho, waxana uu xusay in guushaasi hore qiime gaar ah u yeelayso dedaalkii qarankani ugu jirey inuu kamid noqdo dawladaha dunida.
May be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says '‎0 ت 肉 無‎'‎‎
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si ballaadhan shacabka ugu sharraxay qiimaha shirkii caalamiga ahaa ee ay ka qaybgaleen waxana uu si cad u sheegay inay meeqaam lamid ah dawladihii kale ee shirkaas lagu casuumay kaga qaybgaleen, waxana uu yidhi,
“Waxannu ku baxnay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda aynnu saaxiibka nahay ee Imaaraadku ina marti qaadday, innaguna marti-qaadday magaceenna Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. ”
May be an image of 1 person and dais
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si gaar ah u xusay baaxadda uu shirkaasi lahaa iyo faa’iidooyinka ay Somaliland sida gaarka ah uga dheefayso,“Shirkaasi waxa uu ahaa madal weyn oo 12 sanno ka hor la bilaabay, waxana lagu casuumay madaxda Soddon dal oo aynnu kamid nahay, waxa kale oo ka qaybgalay 140 oo dal, 400 oo wasiir, 6000 oo ka qaybgalayaasha shirka ah waxana ay ahayd madal aad u weyn oo dunidu isugu timi. Dhawr fursadood baa halkaas ku jirey, midi waxa ay ahayd in innaga oo magaca Somaliland wadana la ina marti qaaday, la inaguna marti-qaaday madaxdii dunida kasoo qaybgashay ee magacii dalalkooda iyo madaxdooda lagu casuumay, midina waa fursad la inoo siiyey inaynu dunida kula hadalno iyo dadkii shirka joogayba,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiramaan Cirro.
May be an image of 6 people and text
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in isaga oo shacabka ka wakiil ah uu farriintii iyo dooddii reer Somaliland ba gaadhsiiyey dunida inteeda kale iyo dadkii shirkaas ka qaybgalayba, waxana uu yidhi,
May be an image of 7 people
“Annaga oo idinka wakiil ah oo shacbiga Somaliland ka wakiil ah waxa aanu farriintiinnii gaadhsiinay dadkii shirka kasoo qaybgalay, waxa aannu dooddiinnii gaadhsiinay dadkii shirka kasoo qaybgalay iyo dunidu sida ay u dhan tahayba.”
May be an image of 9 people and text
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu yahay adeego bulshadu u igmatay inuu u shaqeeyo, sharafta bulshada wakiilatayna ilaalinteedu waajib ku tahay,“Annagu idinkaannu idinka wakiil nahay oo adeegayaal shacbiga u shaqeeyaanu nahay, madaxduna waa shacbiga annaguna adeegayaal baannu nahay, shacabkana waxanu ugu bushaaraynaynaa inaanu farriintii aad noo dhiibteen gudbinnay, midhaheedana aad arki doontaa,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker