“Ma jirto meel aan ka ahayn Qudus oo loo haajirayo” Xamaas oo u jawaabtay Trump

War ay soo saareen, ayay Xamaas ku sheegeen in sii deynta la heystayaasha ee maanta ay muujineyso inaysan jirin qaab loo sii deyn karo la heysteyaal ku sugan Qasa “marka laga reebo iyadoo loo marayo wada-xaajood loona hoggaansamayo waxyaabaha laga rabo heshiiska xabbad-joojinta”.

Kooxda ayaa intaa raacisay: “Waxaan dunida oo idil ku leennahay: Ma jirto u haajirid marka laga reebo in loo haajiro Qudus,” tan oo jawaab u ah soo jeedintii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayn in la barakiciyo dhammaanba bulshada Qasa lana geeyo dalalka deriska ah.

Xusuusin ahaan, in maanta la sii deynayo la heystayaasha – iyo waxa uu mudan doono heshiiska xabbad-joojinta Qasa qudhiisa – ma caddeyn toddobaadkan oo dhan.

Horraantii toddobaadkan, Xamaas ayaa sheegtay inaysan sii deyn doonin la heystayaasha, iyadoo sheegtay in Israa’iil ay carqaladeysay qodobbada heshiiska xabbad-joojinta jirta saddexda toddobaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker