Ciidamada Badda Midowga Yurub oo badbaadiyay doon kalluumeysi oo laga afduubtay Soomaaliya

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee EUNAVFOR Atalanta ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan doon kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo lagu afduubtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Sabtidii, Febraayo 8, EUNAVFOR Atalanta ayaa lagu wargeliyay weerar looga shakisan yahay burcadbadeedda oo lagu qaaday doon Al Najma oo uu ka babanayay calanka Yemen. Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay dhac hubeysan oo badda ka dhacay.

EUNAVFOR Atalanta oo ah ciidamada badda iyo kuwa cirka ayaa goobta la geeyay, waxayna sameeyeen baaritaan xooggan, waxayna ku guuleysteen in la sii daayo Doonida.

Ciidamo ka tirsan Atalanta ayaa horey u raacay doonida, si ay u sugaan ammaankeeda, ayna hubiyaan xaaladda shaqaalaha la socda. Lama sheegin wax dhaawac ah, waxaana la xaqiijiyay in 12 ka mid ah shaqaalihii saarnaa doontaas ay dhamaantood bad qabaan.

Ciidamada Atalanta ayaa wada ururinta cadaymaha dhacdadan. Intaa waxaa dheer,  Shaqaalihii la socday doonta ayaa xaqiijiyay in burcad badeedda in ay ka tageen doonta iyagoo horey u sii qaatay alaabo saarnaa doonta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker