Ugu yaraan 26 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Itoobiya
Addis-Ababa — Ugu yaraan 26 qof ayaa dhintay kadib markii bas ay saarnaayeen uu ku rogmaday gudaha Oromiya, oo ah gobolka ugu weyn Itoobiya, sida ay Talaadadii werisay warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana Broadcasting.
Basku wuxuu ka ambabaxay magaalada Shambu, oo ku taalla galbeedka dalka, kuna sii jeeday caasimadda Addis Ababa, sida ay Fana warrisay, iyadoo soo xiganeysa kormeeraha amniga waddooyinka ee gobolka East Wollega, Asnake Mesfin.
Asnake ayaa sheegay in 42 qof oo kale ay dhaawacmeen, wuxuuna intaa ku daray in tirada dhimashada ay kordhi karto. Ma jirin faahfaahin intaa dheer oo isla markiiba la heli karay.
Shilalka baabuurta ee dhimashada badan ayaa Itoobiya aad ugu badan, iyadoo heerarka wadista gaadiidku ay hooseeyaan, isla markaana gaadiid badani aan si wanaagsan loo dayactirin.
Ugu yaraan 71 qof ayaa dhintay dabayaaqadii December, kadib markii gaari xamuul ah oo rakaab laga buuxiyay uu ku dhacay webi, gobolka koonfureed ee Sidama.
Reuters