Sirdoonka Puntland oo soo bandhigay Xeelado qasab ah oo ay Daacish ku askareeyaan dadka muhaajiriinta ah
Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa shaaca ka qaaday sida ururka Daacish (IS) uu u qorto dagaalyahannada shisheeye, iyagoo adeegsanaya cabsi gelin iyo khiyaano si uu u xoojiyo joogitaankooda degaanada Puntland.
Sida uu sheegay sarkaalkan oo la hadlay Washinton Post, Daacish ayaa si gaar ah u beegsan jirtay muhaajiriinta Oromada ee nugul, kuwaas oo doonayay in si dhuumaaleysi ah loo geliyo Bariga Dhexe, balse halkii laga fulin lahaa rabitaankooda, ayaa si khasab ah loogu biiriyay kooxda Daacish.
Qorista dagaaalamayaasha shisheeye ayaa sare u kacday sanadkii 2022, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayay shaqsiyaad leh xirfado gaar ah, sida uu xusay sarkaalku. Waxaa si gaar ah loo raadinayay Suuriyaan iyo Tuuniisiyiin aqoon u leh farsamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone technology) iyo samaynta qaraxyada, si loo xoojiyo howlaha Daacish ee Puntland.
Xabsiyada Puntland waxay hadda hayaan in ka badan 12 nin oo sheeganaya in si khiyaano ah loogu qasbay inay ku biiraan kooxda argagixisada ee Daacish. Kuwaas waxaa ka mid ah maxbuus Yemeni ah oo la qabtay kadib markii uu ku fashilmay isku day uu doonayay inuu qarax uga fuliyo bar kontorool oo ay ciidanka boolisku ku leeyihiin magaalada Boosaaso dhowr maalmood ka hor.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha sirdoonku waxay sheegayaan in qaar ka mid ah sheegashooyinkaas aysan ahayn kuwo la aamini karo.
Mid ka mid ah maxaabiista, oo ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Itoobiya, ayaa sheegay in uu jiray 15 sano oo kaliya markii isaga iyo laba saaxiibadiis ah ay ka carareen Oromiya oo ay abaar iyo colaado hareeyeen, iyagoo rajaynaya in ay u tahriibaan waddamada Khaliijka si ay shaqo u helaan.
Balse markii ay labo sano ka hor ka gudbeen xadka waqooyiga Soomaaliya, waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahannada Daacish. Wuxuu sheegay in imaam ku hadli jiray afka Oromada uu isku dayay in uu si tartiib ah ugu qanciyo inay dagaalyahanno noqdaan.
Maxbuuska Itoobiyaanka ah wuxuu intaas ku daray in uu tababar ciidan qaatay, ka hor inta aan la geyn saldhig ciidan oo looga hortago weerrarada Al-Shabaab. Si qarsoodi ah ayuu sahay ugu keydsaday, ugu dambeynna wuu ka baxsaday Daacish.
Sidoo kale, saddex maxbuus oo u dhashay Tanzania, kuwaas oo indhaha laga xiray intii aan laga keenin xarun sirdoon, waxay sheegeen inay la kulmeen xaalado la mid ah. Waxay sheegeen in 18-kii bilood ee la soo dhaafay si khiyaano ah loogu qanciyay inay ku biiraan Daacish. Mid walba wuxuu xusay in shaqo loogu ballanqaaday si uu ugu biro Daacish.
Si kastaba ha ahaatee, sirdoonka Puntland ayaa sheegay inay dileen in ka badan 150 dagaalame oo katirsan kooxda Daacish, tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad. Sidoo kale sirdoonka Puntland wuxuu sheegay inay la wareegeen 50 farriisimood oo ay kooxda Daacish ku sugnaayeen.