Xamaas oo sheegtay in ay hakisay sii deynta maxaabiista, ka dib eedeymo ay Israel u jeedisay
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Maamulka Israel ku eedeeyay in ay carqaladeynayaan heshiiska xabad joojinta labada dhinac ee horaan ka dhaqangalay Marinka Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay in heshiiskii lagu heshiiyay uu ka hirgeli la’yahay dhanka Israel, ka dib markii ay sheegtay in ciidamadeeda ay beegsanayaan dadka rayidka ah, ayna ugu dambeysay dhacdadii saddexda qof ku dhinteen ee Axaddii ka dhacday Marinka Gaza.
Gaza ayaa waxaa 19-kii bishii January ka dhaqangalay wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta, oo soconaya sida lagu heshiiyay lix toddobaad ah.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa Israel ku eedeeyay in ay marar badan ku xadgudubtay heshiiska, saddexdii toddobaad ee ugu horreysay.
Wuxuu sheegay in Israel ay dib u dhigeyso in qoysaska barakacayaasha ah ay si caadi ah ugu soo laabtaan guryahooda, iyadoo la beegsaneysa duqaymo iyo rasaas ka dhaceysa meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza, mana ogola buu yiri in sahayda gargaarka ee nooc kasta leh ay soo gasho, sidii lagu heshiiyay.
Afhayeenka ayaa sheegay in Al Qassam ay dib u dhigis ku sameynayso sii deynta maxaabiistii ay ka haysteen Israel, illaa iyo inta Tel Aviv ay u hoggaansameyso qodobada heshiiska.
Abu Ubaida ayaa ballanqaaday in sii deynta maxaabiista ay dib u bilaabi doonaan, haddii Israel ay muujiso inay niyad u hayso heshiiska.
Ku dhawaaqista Xamaas ee hakinta sii deynta maxaabiista ayaa dirtay farriin naxdin leh, waxayna mowjado mudaaharaadyo ay ka kicisay gudaha Israel.
Shacabka Israel ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv, iyagoo dowladooda ku eedeynaya inaysan daacad ka ahayn xaqiijinta heshiiska.
Xiisaddan ayaa imaneysa, iyadoo aan la gaarinba wejiga labaad iyo saddexaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.
Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo midka koowaadna uu socon doono muddo 42 cisho ah, si la isku dhaafsado maxaabiis badan.
Heshiiska ayaa dhigaya in marxaladda koowaad lagu sii daayo 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah.
Xamaas ayaa illaa iyo hadda sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.