Trump oo Xamaas u qabtay maalmo yar, si loo sii daayo dhammaan maxaabiista Israe

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Ururka Xamaas ka dalbaday inay maalmo yar gudahood ku sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii aan dhammaan maxaabiista la sii deynin maalinta Sabtida ah ay Israel ka bixi doonto heshiiskii xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac, dagaalkana uu dib u bilaaban doono.

“Waxaan oran lahaa dadkaasi waa inay soo laabtaan 12:00 duhurnimo ee Sabtida. Looma baahna is daba wareeg, loomana baahna in laba qof oo ka mid ah ama hal qof amaba saddex qof la sii daayo, balse waa in dhammaantood ay soo laabtaan, marka ay saacaddu tahay 12:00 duhurnimo.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay hakinta ay Xamaas ku sameysay sii deynta maxaabiista ayaa sheegay in ay cadaab dhici doonto, haddii aan la fasixin dhammaan maxaabiista.

“Haddii ay dhici weydo xaalku sidaan waa uu ka duwanaan doonnaa. Haddii aan la sii deyn la haysteyaasha, dhammaan cadaabta ayaa soo bixi doonta.” Ayuu yiri Trump.

Warka Trump ayaa yimid wax yar uun ka dib, markii Xamaas ay Israel ku eedeysay in ay marar badan ku xadgudubtay qodobada heshiiska, isla-markaana ay hakineyso sii deynta maxaabiista.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in Israel ay dib u dhigeyso in qoysaska barakacayaasha ay si caadi ah ugu soo laabtaan guryahooda, iyadoo la beegsaneysa duqaymo iyo rasaas ka dhaceysa meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza, mana ogola buu yiri in sahayda gargaarka ee nooc kasta leh ay soo gasho, sidii lagu heshiiyay.

Xamaas ayaan weli ka jawaabin hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, ee ah in dhammaan maxaabiista la sii daayo duhurnimada maalinta Sabtida ah.

Madaxweyne Trump ayaan wax shuruud ah ku xirin dhanka Israel, si loo sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu waday in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska.

Cid walba waxay fahamsan tahay in Xamaas aysan sii deyn doonin dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, maadaama ay yihiin waxa ugu weyn ay ku gorgortameyso, si dagaalka looga joojiyo Gaza, loona sii daayo kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku xiran jeelasha Israel.

Xamaas ayaa lagu waday in Sabtida ay sii deyso tiro maxaabiis ah, oo sida lagu heshiiyay qayb ka ah maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska, iyadoo ku bedelaneysa tiro badan oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay in Xamaas ay wejiga koowaad ee heshiiska ku sii deyso 33 Israeliyiin ah, halka Israel-na ay sii deyn doonto 1,900 Falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa illaa iyo hadda sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyinta ayaa Gaza ku haysta in ka badan 80 qof oo Israeliyiin ah.

Haddii heshiisku uu sidaasi ku burburo ayaan la gaarin doonin dhameystirka wejigiisa koowaad iyo in marxaladda labaad lagu sii daayo maxaabiis fara-badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker