Puntland: Siyaasadda Soomaaliya waxay kusii dhacaysaa god, farahaan ka laabanay
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay god kusii dhacayso, isagoo xusay in Puntland ay go’aansatay inay faraha kala baxdo ka qaybgalka arrimaha dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Lugatoor ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka leexday waajibaadkii loo doortay, isagoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay madaxweynuhu xaraashka hantida qaranka iyo safarro dibadda ah oo aan kala joogsi lahayn.
Wuxuu xusay in dalalka saaxiibka la ahaa Soomaaliya ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen dowadda Soomaaliya, isagoo sheegay in adduunku haatan diiradda saarayo dagaalka ka socda Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii Puntland ay ku guuleysato dagaalka ka dhanka ah Daacish, ay guul u noqon doonto guud ahaan Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan wax taageero ah uga baahnayn dowladda federaalka, maaddaama sida uu sheegay ay Puntaland samaysatay sanduuq dhaqaale oo beesha caalamku kusoo shubi karto deeqaha ay ku caawinayaan Puntland.