Madaxweynaha Somaliland oo Hadal Ka jeediyaay Shirka wadamada Aduunka
Madaxweyne Cirro ka hor intii aanu ka jawaabin su’aal laga waydiyey maalgashiga iyo muhiimadda Berbera wuxu ka soo qayb gelayaashii shirka ku salaamay ” Ka hor inta aanan waydiinta ka jawaabin, waxaan ka socdaa Somaliland, mid ka mida dawladdaha Mustaqbalka dunida ku soo biiray”
Mar kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay nasiib darro ahayd midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii kaas oo uu tibaaxay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed balse Somaliland la soo noqotay madax bannaanideeda mar kale 1991-kii.
Hadal jeedinta Madaxweynaha ayaa isugu dhafnayd mid uu ku iib geeyey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta, wixii ay qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda xaqa ay u leedahay in ay hesho aqoonsi Caalamiya.
Shirka waxa ku sugnaa madax kala duwan oo ka socota daafaha Adduunka kuwaas oo dhegaysanayey xilliga uu madaxweynuhu doodisa dhiibanayey.